Somali News

Al-Shabaab oo shaaciyey muuqaallada iyo sawirrada kooxdii fulisay weerarkii Manda Bay

Muqdisho-KNN-Warbaahinta taageerta ururka Al-Shabaab ayaa baahisay sawirrada iyo muuqaallo laga duubay kooxdii weerartay saldhigga Manda-Bay ee ku yaalla gobolka Lamu ee waqooyiga dalka Kenya.

Weerarkan oo dhacay bishii Janaayo ee sanadkii hore ayaa lagu qaaday saldhigga Manda-Bay oo ay wada deganaayeen ciidamo Mareykan iyo Kenyaan ah.

Al-Shabaab ayaa weerarkaas ku dilay askari Mareykan ah iyo laba qandaraasle oo ciidamada Mareykanka la shaqeynayey, sidoo kale ku dhawaad 10 naskari oo Kenyaan ah ayaa lagu dilay weerarkaas.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale qiratay in weerarkaas looga burburiyey lix diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo gadiid, waxaana halkaas lagu soo afjaray kooxdii fulisay weerarkaas oo dhameed shan dagaalame.

Muuqaalkaan ay baahiyeen Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa qeyb yar oo uu hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda ku dhiirigalinayey kooxdii fuliyay weerarkii Manda Bay.