Somali News

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, ayaa sheegtay qarax xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, oo lagu dhaawacay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Isku’dhafka ah ee gobolka Mudug.

Gaashaanle Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin oo ka tirsan Ciidanka Isku’dhafka ah ee gobolka Mudug, ayaa lagu dhaawacay qarax  xalay ku haleelay xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo , kadib markii gaarigiisa loogu sii xiray qaraxaasi.

Dhaawaca sarkaalka, ayaa durbadiiba loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo weli lagula tacaalayo xaaladdiisa Caafimaad.