Somali News

Al-Shabaab oo sheegay in askar itoobiyaan ah ay ku dileen G/Bay.

Muqdisho-KNN-War ka soo baxay Al-Shabaaab ayaa waxaa ay ku sheegteen masuuliyada weerarkii ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba ee Gobalka bay, kaasi oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan itoobiya.

Shabaab ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ka dileen ku dhawaad 57 askari, tiro intaa ka badana ay ka dhaawaceen,islamarkaana waxaa ay sheegeen in gaadiid badan ay ka gubeen ciidamada itoobiya, laakin ma jirto cid xaqiijin karta warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Dhanka kale Ma jiraan weli wax war oo ka soo baxay Saraakiisha itoobiya ee joogga Gobalka bay.