Uncategorized

Al-shabaab oo sheegay in ay la Wareegeen Degaanka Golweyn iyo Milatariga Soomaaliya oo beeniyay

Golweyn–KNN– War lagu Qoray Warbaahinta Internetka ee Taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay Dagaal kula Wareegeeb Al-shabaab Degaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa Warkaan ka soo baxay lagu sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Degaanka Golweyn oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midawga Afrika Ee AMISOM.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Ee Magaalada Buulamareer Col. Cabdi Salaad oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa Warkaasi waxba kama jiraan ku Tilmaamay,waxaana uu Xusay in Al-shabaab ay Rasaas ku soo tuureen Ciidan joogay Kontoroolka Degaanka Golweyn oo aysan jirin meel ay la wareegeen sida uu hadalka u dhigay.