Somali News

Al-Shabaab oo sheegay in nabadoon ay ku dileen Buurhakaba.

Buurhakaba-KNN-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay, Al-Shabaab ayaa la sheegay in Nabadoon ay ku dileen bartamaha Degmadaasi.

Nadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Subagle, Waxaa uuna ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur galbeed.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay beegsadeen Nabadoonka.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay.