Somali News

Al-Shabaab oo sheegay iney dib ugala wareegeen goobihii lagu dagaalamay

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay in ay dib ugala wareegeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan uu dagaal xooggan ku dhex maray ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayey ku sheegeen in ciidamada DF ay iskaga baxeen degmooyin ay kamid yihiin Jowhar,Raaga Ceelle iyo Mahadaay iyo kuwa kale sida ay ku sheegeen qoraalkooda.

Al-shabaab ayaana waxa ay tilmaameen deegaanada ay dib ula wareegeen ay sidoo kale ay qeyb ka yihiin Warciise, Qoordheere iyo Wararaxleey.

Al-Shabaab ayaana sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya dagaal ay la galeen ay kaga 23 askari oo ay kamid yihiin sedax sarkaal.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda sheegtay in dagaal ay la galeen Al-shabaab uga dileen ilaa iyo 100 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo ka dhacay gobolka Sh/dhexe.