Somali News

Al-Shabaab oo sheegtay dilka sarkaal Kenyaan ah kadib dagaal ka dhacay Mandheera

Nairobi-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar khasaare sababay ay ka geysteen deegaano ka tirsan magaaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kadib weerar ay halkaasi ka fuliyeen.

Iska horimaadkaan oo muddo qaatay ayaa labada dhinac inta uu dagaalka socday waxaa ay isku adeegsaden hub culus, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Sheekh Barroow oo Mandheere hoos taga, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen in halkaasi ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan milatriga Kenya.

Dagaalamaaysha Al-Shabaab oo weerarkaan ka hadlay ayaa sheegtay in ay dileen sargaal dowladda Kenya u qabilsanaa weerarrada qorsheesan ee ka dhanka ah Al-Shabaab

Dowladda Kenya ayaanan wali wax war ah ka soo saarin sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay dileen sarkaal ka tirsan dwoladda Kenya, kadib howgal ay ka fuliyeen deegaano hoos taga Mandheera.