Somali News

Al-Shabaab oo Sheegtay in askar badan ay ku dileen Weerarkii Baar Sanguuni.

Muqdisho-KNN-War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku faahfaahiyeen weerarkii ay saakay ku qaadeen Saldhig ku yaala Deegaanka Baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in weerarkii Baar sanguuni ay ku dileen ku dhawaad 41 askari oo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa ku faanay in ay hub fara badan iyo Gaadiid Dagaal ay kala wareegeen ciidamada ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Waxaa ayna Shaaca ka qaadeen in ay mudo saacadaha  gacanta ku hayeen saldhiga deegaanka Baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay qarax la heleen ciidamo ka yimid deegaanka Buula Gadood, islamarkaana ma sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Dhanka kale Saraakiisha Jubbaland ayaa iyaguna waxaa ay sheegeen in ay weerarka ku dileen 73 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ma jirto cid xaqiijin karta warka ka soo baxay Al-Shabaab iyo Maamulka Jubbaland.