Somali News

Al-Shabaab oo Sheegtay in ay askar ku dileen duleedka Jowhar.

Jowhar-KNN-Wararka Naga soo gaaraya  duleedka magaalada Jowharayaa sheegaya in dagaal   ka dhacay deegaanka Sabuun ,islamarkaana weerarkaasi ay qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Inta la ogyahay  laba ruux ayaa geeriyootay kadib dagaal dhex maray dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaliya  deegaanka Sabuun oo 14km  Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Jowhar.

Dadka degaanka ayaa KNN u Sheegay in weerarka uu  Xalay dhacay,isla markaana dagaalka ay qaadeen Al-shabaab.

Weli ma jiraan Wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Gobalka Shabeelaha Dhexe,kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkaasi.