Uncategorized

Al-Shabaab oo sheegtay in ay la wareegeyn Diyaarad ku soo dhacday Buuraha Goolis ee G/Bari

Buuraha-Goolis-KNN-Dagaalamayasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegteen inay gacanta ku dhigeen diyaarad wax basaasta ee ah nooca aan duuliyaha wadin oo ku soo dhacday meel ku dhow magaalada Boosaaso.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa Baahiyay in diyaaraddu ay kusoo dhacday deegaanada loo yaqaan Buuraha Goolis gaar ahaan Calmadoow xilli halkaas ay muddo saacada ah dul heehaabaysay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen inay ciidamo gaar ah u ka tirsan Dagaalamayaashooda ay qabteen Diyaaradan aan duuliyaha laheyn,islamarkaana waxaa ay sheegeen inay iska leedahay dowlada mareykanka.

Diyaaraha ay leeyihiin Mareykanka ayaa waxaa mudooyinka waxaa ay duqeymo ka fulinayeen deegaanada ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha Ka tirsan Al-Shabaab,iyadooona ay Xusid mudan tahay dagaalamyaashaasi ay ka baxsanayaam deegaanada qaar oo haataan ay kaga sugan yihiin gobalada dalka,kadib markii ay sii kordheen weerarada ay geysanayaan diyaaradaha mareykanka.

Sidoo kale Warar ay heshay idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay lagu arkayay deegaano ka tirsan gobolka Bari  diyaarado dagaal oo iyagoo dul heehaabaya deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab.