Gedo-KNN-Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Saateelow oo ka tirsan gobolka Gedo una dhaxeeyo magaalooyinka Luuq iyo Doolow.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in dagaal xoogan deegaankaas ay kula galeyn Ciidamo ka tirsan maamuka Jubaland, waxayna tilmaameen in labada dhinacba khasaaro uu ka soo gaaray dagaalkaasi.
Kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale baahiyay in deegaankaas uu u yahay muhiim maadaama uu u dhaxeeyo magaalooyin waa weyn oo ka tirsan gobolka Gedo.
Majiraan faafaahino intaan dhaafsiisan oo laga helayo deegaanka Saateelow oo Al-shabaab ay sheegteen in dagaal ay kula wareegeen, sidoo kale majirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Jubaland ee gobolka Gedo oo ku saabsan dagaalkaasi iyo la wareegitaan Al-shabaab ay sheegteen in deegaankaas ay la wareegeen gacan ku hayntiisa.