Somali News

Al-shabaab oo sheegtay in ay weerar ku qaadeen Kulbiyow

Dagaalmayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ku sugan gobolka Jubada Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid  kadib markii Al-sabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka kulbiyoow ee gobolka Jubbada hoose.

War  lagu baahiyay baraha ay Al-shabaab wararkooda ku faafiyaan ayaa waxaa ay kaga hadleen dagaalka ka dhacay deegaanka Kulbiyoow, waxaa ayna sheegeen in dagaalka uu muddo ku dhow hal saac uu ka socday deegaankaasi, iyagoona sheegtay inay Khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidanka Kenya ee ku sugnaa Saldhiga ay weerareen, balse ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Dhanka kale Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose.