Uncategorized

Al-Shabaab oo Sheegtay masuuliyada qaraxyadii shalay ka dhacay deegaanka Af-urur.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa  Waxaa ay Sheegteen Masuuliyada Qaraxyadii  Shalay ka Dhacay Deegaanka Af-urur oo ka Tirsan Gobalka Barri.

Waxaa ay Sheegeen Al-Shabaab in Qaraxyada ay ku  Dileen ku dhawaad 35 askari oo ka Tirsan Ciidamada Puntland,iyagoona Warbixintooda ku sheegay in dhaawac ay gaarsiiyeen ciidamada Ay mareyso 50 askari,Waa sida ay Sheegteen  Al-Shabaab.

Ma jirto ilo ka madax banaan oo xaqiijinayo Khasaaraha soo gaaray Ciidamada puntland iyo Warkan Al-Shabaab ay bartooda interned-ka ku soo qoreen oo ah inay dileen Ciidamo badan oo ka Tirsan puntland.

Saraakiisha Puntland ayaan Weli si rasmi ah u faahfaahinin khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Shalay ka dhacay Deegaanka Af-urur ee Gobalka Bari.

Ciidamada amaanka puntland ayaa bilaabay howlgal Amaanka lagu Xaqiijinayo,islamarkaana looga hortago weerarada kaga imaanaya dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa Deegaanka Af-urur ee Gobalka Waxaa ay ka fuliyeen  labo Weerar,kaasi oo ka dhacay isla deegaanka,markaasi oo al-Shabaab ay sheegeen inay Dileen ku dhawaad 70 askar oo ka Tirsan Ciidamada puntland.

Hayeeshee  Al-Shabaab  ayaa inta badan  Waxaa ay ku suganyihiin  Deegaanada uu ka Arimiyo Maamulka Puntland,Iyagoona Mararka qaar Deegaanada Puntland ka fuliya Weerarada iyo Dilal Qorsheysan ee lala Beegsado Ciidamada Amaanka Puntland.