Uncategorized

Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxa ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan Puntland

Galgala–KNN– Wararka ka imaanaya Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Gelinkii dambe ee Shalay Qarax Miino loo dhigay Gaari Nuuca Dagaalka ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland,waxaana Weerarka Qaraxa ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaaray Ciidamada Puntland.

Illaa Labo Askari ayaa la Xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa loo dhigay halka ay Afar kale ku dhaawacmeen.

Ciidamada Qaraxa Miino loo dhigay ayaa ka baxay Degaanka Galgala,waxaana ay ku sii jeedeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda Weerarka Qaraxa ah ayaa sheegay in ay dileen illaa Afar Askari islamarkaana ay dhaawaceen 5 kale,waxaana ay intaas ku dareen in Ciidamada la dilay uu ku jiro Sargaal lagu Magacaabo Abshir Dheere oo ka mida Saraakiisha Puntland ee Aagga Galgala.