Somali News

Al-Shabaab oo Sheegtay Qaraxii Xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-War kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa looga hadlay Qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Isgooyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Weerarkani waxa ayna sheegeen in ay bartilmaameedsadeen goob isugu yimaadeen Shaqaale katirsan Dowladda Soomaaliya.

Qaraxan ku dhawaad 5 qof ayaa ku geeriyooday, waxa uuna noqonayaa Qaraxii 3-aad ee Muqdisho ka dhaca ku dhawaad 40-cisho ee in dhaafay.