Uncategorized

Al-Shabaab oo si rasmi ah u shaaciyay geerida Shiikh Cali Jabal.

Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u shaacisay in duqeyn lagu dilay Hogaamiyahoodii Gobalka Banaadir Shiikh Cali Maxamed Xuseen “Shiikh Cali Jabal” Kaas oo bilaawgii bishaan Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka ay sheegeen in la dilay wakiilkii Shabaab ee Gobalka Banaadir.

Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab oo ku qornaa afka Carabiga, kuna saxiixnaa Hoggaanka sare Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay geerida Sheekh Cali Jabal, iyadoo cinwaan looga dhigay Tahniyad iyo Tacsi ku socota Umadda Islaamka”

Bayaanka ayaa lagu yiri “Waxaan maanta halkaan uga tacsiyeyneynaa Istish-haadka geesi ka mid ah halyeeyada Islaamka ee baalka dahabiga ah ka galay sooyaalka taariikheed dhulka Soomaaliyeed, kana tagay taariikh weyn oo magaciisa wax badan ka xambaarsan”

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri in diyaarad dagaal oo Mareykanka ay isku dayday inay duqeeyaan, markii koowaad gantaalka ay soo riday la weysay hadafka, markii labaad ay la heshay, halkaas uu ku shahaado qaatay, isaga iyo wiilkiisa Maxamed Amiin oo da’diisu aheyd 12 jir.

Tani ayaa dhabar jab weyn Ku ah Al-shabaab Waxaana Cali jabal la sheegaa in uu ahaa maskax weyn oo hagta dhamaan falalkii ka dhacayay Magaalada Muqdisho sida qaraxyada dilalka iyo weerarada ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

Mudooyinkii danbe ayaa Maraykanka kordhiyay duqeyntiisa Cirka ee dhulka Soomaaliya Waxaana lagu dilay Saraakiil badan oo ka tirsan Shabaab.