Uncategorized

Al-Shabaab oo soo bandhigay Askar ay sheegeen in ay ka soo goosteen Jubbaland.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee gobalka Jubada dhexe ku soo bandhigay Saddex Askari oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland Islamarkaana isku dhiibay Al-Shabaab.

Qoraal iyo Sawiro lagu baahiyay Baraha Internet-ka ee Al-Shabaab taageera ayaa lagu sheegay in Ciidankaan ay ka soo goosteen Ciidanka Jubbaland kadib markii ay udul qaadan waayeen dhibaatada deegaanka sida ay sheegeen Al-Shabaab.

Magacyada ragga la soo bandhigay ayaa lagu sheegay

  1. Aadam Cabdi Ibraahim Isaaq.
  2. Abuukar Xuseen Ibraahim
  3. Aadam Cali Maadey.

Ma jirto cid Al-Shabaab ka madaxbanaan oo xaqiijin karta in Ciidankaan ay ka soo goosteen Maamulka Jubbaland, sidoo kale Xariiro aan la sameynay Saraakiisha amaanka Maamulka Jubbaland si aan wax uga weydiino ayaa noo suurta galin in aan qadka talephone-ka ku helno.