Uncategorized

Al-shabaab oo soo Bandhigay Magacyada Ajaanib Kenyan ah

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaalada Saddex Nin oo u dhashay Wadanka Kenya islamarkaana muddo ka tirsanaa Al-shabaab oo la shaqeynayay.

Saddexda Nin oo Magacyadooda ay ku sheegeen Hashim Cusmaan Shelali, Cabdi Casiis Mukayo iyo Cabdallah Talaal Muuse ayaa Muddo dheer la shaqeynayay Al-shabaab,waxaana ay sheegeen in Macluumaad badan ay u gudbiyeen Sirdoonka Kenya oo ay la shaqeyaan si ay Xog uga helaan Gudaha Al-shabaab.

War lagu Qoray Websetyada Taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Raggaan Qaarkood la qabtay iyagoo baxsi ka ah Al-shabaab,kuwo kale oo ay wada shaqeynayeena baxsadeen.

Dhowr Jeer ayaa Al-shabaab ay Dileen Dagaalameyaal Ajaanib ah oo ka Barbar dagaalanta,waxaana ay sheegaan in ay u shaqeynayeen Sirdoonka Reer Galbeedka iyo Dowladaha Dariska la ah Soomaaliya.