Somali News

Al-Shabaab oo qof ku dilay fagaare ku yaalla Saakow

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay gelinkii dambe ee shalay xukun dil ah kula fuliyeen nin ay ku eedeeyeen inuu kufsaday gabar uu dhalay.

Marxuumka ay dilka ku fuliyeen Al-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Macalin Cabdullaahi, waxaana la sheegay in maxkamadda Al-Shabaab ay ku eedeysay in dhawr jeer uu kufsi u geystay gabar uu dhalay, sidoo kale Al-Shabaab waxey sheegeen in uu ahaay sixiroole ay muddo ku raad joogeen.

Nin la sheegay in uu yahay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolada Jubbooyinka oo shalay boqolaal ruux kula hadlayay fagaare ku yaalla degmada Saakow ayaa sheegay in ninkaas uu Maxkamadda Al-Shabaab ka hor qirtay eedeymaha loo soo jeediyay.