Uncategorized

Al-Shabaab oo wada qorshe ay ku go’doominayaan Beladweyne.

Muqdisho-KNN-Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka taagan duleedka magaalada Beladweyn ee xarunta gobalka Hiiraan sida ay soo sheegayaan saraakiisha amaanka.

Xiisadaan ayaa daba joogta dagaal shalay ka dhacay deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana dagaalkaasi uu ahaa mid ay soo qaadeyn Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya oo ku wajahnaa Beladweyne ayaa la sheegay in wadada loo galay, waxaana dhacay dagaal socday mudo ku dhaw 30 daqiiqo, iyadoo uu hakad galay socdaalka Ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa isku dayaya in ay go’doomiyaan magaalo madaxda gobalka Hiiraan ee Beladweyne waxaana dhowr jeer ay wadada u galayn Mas’uuliyiin iyo Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

Dadka falaqeeya Arimaha amniga iyo Ciidamada ayaa ka digaya in Al-Shabaab ay go’doon giliyaan magaalada, Sababtoo ah Magaalada Beladweyne ma jirto cid banaanka kaga bixi karta safar dhulka ah iyo wax soo gali kara oo ka tirsan Maamulka iyo Ciidamada.