Somali News

Al-shabaab oo wadada u galay masuuliyiinta ka tirsan qoryoolay

Al shabaab ayaa inta udhexeysa qoryooley iyo deegaanka mashalaaye oo degmadaasi hoostaga ku weerarey masuuliyiin katirsan maamulka degmada qoryooley oo uu kamid yahay gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Cabdi Axmed Cali.

Al shabaab iyo ciidankii la socdey masuuliyiinta ayaa muddo kooban halkaasi ku dagaalamey, waxaana la soo sheegayaa inay dagaalka ku geeriyoodeen sedex askari oo ilaalada gudoomiye ku xigeenka qoryooley kamid ahaa, iyo dhaawaca askar kale oo tiradoodu aan la ogeyn.

Dhanka al shabaab ayaan weli la ogeyn khasaaraha soo gaarey, maadaama ay iyagu wadada ugaleen kolanyo ay masuuliyiintaas la socdeen.