Somali News

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Bariire iyo Awdheegle

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saakay waaberigii hore weerarro culus ku qaaday laba saldhig oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in salaadii subax ee saakay laga war helay dhaqawa qaraxyo culus iyo dagaal xoog leh oo xigay.

Warbaahinta taageerta kooxda ayaa baahisay in Al-Shabaab ay cagta mariyeen labada saldhig ee weerarka ay saakay ku qaadeen ee ku kala yaalla magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle.

Al-Shabaab waxay sheegteen in weerarkaas ay ku dileen askar badan oo ka tirsaneed milatariga Soomaaliya, inkastoo aysan shaacin tiro rasmi ah.