Uncategorized

Al-Shabaab oo weerar Culus ku qaaday Gaari ay la socdeen Ciidan ka tirsan Dowlada oo marayay Balcad.

Balcad-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya in Al-Shabaab ay weerar jid gal ah ku qaadeen Gaari ay la socdeen Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya sida ay xaqiijiyee laamaha amaanka gobalka.

Gaariga ay Al-shabaab weerareen oo ahaa gaari Ciidan ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay gubeen ka dib markii ay ku dhufteen Qoriga nuuca loo yaqaano Saban, waxaana sidoo kale la sheegay in ay ku dhinteen qaar ka mid ah Ciidankii la socday.

Weerarka Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Haan-shiikh oo ku yaala inta u dhaxeysa Degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle.

Ugu yaraan 6 ka mid ah Ciidanka Dowladda ayaa la xaqiijiyay in ay weerarkaasi ku dhinteen halka 6 kalane la la’yahay sidoo kale tiro kale ayaa ku dhaawacmay sida ay KNN u sheegayn Saraakiisha gobalka Shabeelaha dhexe.