Somali News

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Baardheere

Baardheere-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday Saldhigyo Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dad ku sugan Baardheere ayaa KNN u xaqiijiyay in saldhiga ay Ciidamada Itoobiya kula haayeen duleedka magaalada Baardheere ay Al-Shabaab ku qaadeen weerar culus oo ku bilaawday qaraxyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay markii hore u suurta gashay in Ciidamada Itoobiya ay kala wareegaan gacan ku heynta saldhiga, intii ay ku sugnaayeen saldhigaasna ay madaafiic ku tuureen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda kuna sugan magaalada Baardheere ayaa sheegay in ay kol hore ka war heleen weeraro Al-Shabaab ay qorsheynayeen in ay ku soo qaadaan magaalada Baardheere, weerarkii saakay lagu soo qaadana ay iska difaaceen, iyagoo sheegay in khasaare badan ay dagaalka ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno Baardheere ayaa sheegaya in dib loo celiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka sooqaaday, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac wallow aan la xaqiiji karin inta uu la egyahay.

Gobolka Gedo Todobaadkaan Gudihiisa waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ay ku qaadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana weerarkii kan ka horeeyay uu ka dhacay duleedka magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo sida la sheegay Al-Shabaab Sedeed dagaalame.