Beledweyne-KNN-Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan.
Weerarkaas oo loo adeegsaday Madaafiic lagu gaarac saldhigga, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka, kadibna waxaa xigay weerar toos ah.
Sidoo kale dadka ku nool deegaanka Halgan waxay sheegeen in kolkii hore madaafiic lagu garaacay saldhigga, kadib uu dhinacyada dhex maray dagaal toos ah oo mudo ka socday halkaas.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas kamana hadlin dhinacyadii uu dhex maray ee Al-Shabaab iyo Taliska AMISOM oo cidamadaasi ay ka tirsanyihiin.