Baladweyne-KNN-Wararka aan ka helayo gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku waramayaan in ilaa Lix Askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ay ku dhaawacmeen weerar jidgal ah ay kala kulmeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Al-shabaab ay shalay galab jidka u galeen kolonyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti oo la sheegay in xilligaas ay marayeen aaga buundada Jalalaqsi , waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay iska cabin kala kulmeen ciidamadii AMISOM.
Dhankooda Al-Shabaab ayaa baraha wararka u faafiya waxa ay ku sheegteen in weerarka ay ku qaadeen Ciidamada Jabuuti in ay kaga dileen ilaa 13 Askari, isla markaana ay ka gubeen gaari weyn oo gaashaaman.
Markii laga soo tago sheegashada Al-Shabaab ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa wali ka hadlin weerarka jid galka ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen.