Nairobi-KNN- Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegay in dagaal u dhexeeya ciidamada dalkaasi iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab uu ka dhacay deegaan u dhow magaalada Bandheere ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Mohamed Birik Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankooda ay la dagaalameen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo weerar soo qaaday,wuxuuna xusay in hal qof ay ka dileen, halka dhankoodana uu hal Askari kaga dhintay dagaalka.
Deegaanka lagu dagaalamay ayaa kaabiga ku haya xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo inkayar 10 KM u jira magaalada Mandheera.