Somali News

Al-shabaab oo weerar ku dilay macalimiin Kenyan ah

Al-shabaab ayaa dilay sedax macalin oo Kenyan ah waxaana lasoo warinayaa in ay mid kale afduubteen kadib markii ay weerar ku qaadeen iskuul ku yaala deegaan hoos taga magaaladda Garisa.

Booliiska ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay deegaanka Kamuthe islamarkaana macalimiinta la dilay ay rag ahaayeen.

Macalinka ay kooxdu afduubteen ayaa lasheegay in ay ahayd qof dumar ah oo 30 jir ah.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sidoo kale waxay weerarkooda ku bur-buriyeen ateeno ay leedahay shirkadda Safaaricom. Sidoo kale kooxdu waxay weerareen saldhig ay leeyihiin ciidanka booliiska Kenya.

Wargeys-ka the Standard ayaa weriyay in ay ciidanku iska caabiyeen weerarka Al-shabaab islamarkaan ay gurmad dalbadeen.

Saraakiil ayaa sheegay in loo malaynayo in dagaalamayaashu ay kasoo baxeen kaynta Booni. Bilhii lasoo dhaafay deegaanka waxaa ka jiray deganaan inkastoo ay meelo kale weerarro ka dhacayeen.

Ciidanka amaanka ayaa hadda ku raad jooga kooxdii weerarka fulisay oo dadka deegaanku sheegeen in gaarayeen laa 20 nin oo dabley ah.

Weerarkaan waa kii ugu dambeeyay ee weerarro xiriir ah oo ay Al-shabaab bishaan ka geysteen Kenya. Waxaa ka horreeyay kii ay ku qaadeen xarun booliis iyo ateeno ay leedahay Safaricon Jimcihii lasoo dhaafay kaasi oo ka dhacay Mandera.

Meelaha kale ee ay weeraddu ka dheceen waxaa ka mid ah Wajeer iyo Lamu. Shantii bishaan ayey koox hubeeysan oo adegsaday qarax weyn waxaa ay weerar ku qaadeen saldhigga military-ga ee Manda Bay oo ay wada deganyihiin ciidan Kenyan iyo Maraykan ah.

Ciidan kabaqaya in miino wada loogu aaso ama la weeraro ayaa lasheegay in ay ambabaxeen deegaanka Kamuthe si ay u xoojiyaan booliiska deegaanka.