Uncategorized

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Awdheegle.

Wararka ka imaanaya  Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya  in xalay dagaal khasaaro geystay uu ka dhacay Degmadaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar xooggan ku qadeen saldhig ay Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin gudaha Degmada Awdheegle,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsadee hubka noocyadiisa kala duwan.

Goob jogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan,balse aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka ee labada dhinac soo kala gaaray.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in gaari ay ku gubeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose,

Degmada Awdheegle ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay dhawaan Ciidamada Dowladda ay Al-shabaab kala wareegeen.