Somali News

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Baardheere.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa  ka dambeeyay , kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhig ay degan yihiin Ciidanka Dowladda gaar ahaan Ururka 49-aad Ee ku sugan Degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus

Saraakiil ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen.

Majirto cid weli xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaalka Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.