Ceel-waaq-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday ku qaaday Ciidamo ka tirsan Milatariga Kenya oo ku sugnaa degaanka Daba oo u dhaxeeya magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Kutulo Sida ay qoreen Warbaahinta Kenya.
Wargeyska the Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamadii ku sugnaa saldhiga degaankaasi ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhanka Al Shabaab balse uu jiro Khasaare soo kala gaaray labada dhinac.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska deegaankaasi ayaa Wargeyska u sheegay in Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen dhismayaal waa weyn oo ku yaalla degaankaasi ka hor weerarka.
Sarkaal ay soo xigatay Warbaahinta Kenya ayaa sheegay in uusan hada ogayn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha balse waxa uu cadeeyay in ay jirto dhimasho iyo dhaawac.