Somali News

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Ciidanka Jubbaand ee ku sugan Jubada Hoose

Kismaayo-KNN-Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland uu ka dhacay Gobalkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Wirkoy oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baar-sanguuni iyo deegaanka Buula gaduud.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Wirkoy ee Gobalka Jubbada Hoose.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in dagaalamayaashooda ay mudo kooban ay la wareegeen Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Wirkoy, kadibna ay dib uga baxeen.

Sidoo kale Ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Wirkoy oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baar-sanguuni iyo deegaanka Buula gaduud.

Dhanka kale ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay Ciidamada Jubbaland ee ku sugan aaga deegaanada Baar-sanguuni iyo Buula gaduud ee gobolka  Jubbada Hoose.