Uncategorized

Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaan hoostaga Mandheera.

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dagaalamayaasha Al-shabaab xalay ay ku qaadeen deegaanka Fino ee hoostaga Magaalada Mandheera, Saraakiisha Ciidamada Booliska ee Kenya ayaa  xaqiijiyay in dagaalkaas oo muddo kooban socday ay kaga dhinteen 2 Askari oo Booliis ah.

Sidoo kale dhowr askari oo Booliis ah ayaa laga baqayaa in ay dhinteen ka dib markii lawaayay, waxaana loo maleynayaa in gacanta u galeen dagaalamayaaasha Al-shabab.

Saad Sheekh Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo warisay geerida shan askari waxaana sidoo kale ay sheegtay in ay ka cabsi qabaan in lagu  aasay waxyaabaha qarxa xeradaasi ciidan ee weerarka uu ka dhacay.

Taliyaha ciidamada Booliiska Kenya ayaa sheegay in hadda deegaankaasi ay u direen ciidamo dheeraad, maadaama nolosha lagu la`ayahay qaar ka mid ah ciidamadooda.

Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Lafey Eric Oronyi ayaa sheegay in Al-shabaab ay jareen Isgaarsiinta Shirkada Safaricom, ka hor inta aysan weerarka ku soo qaadin xarunta Booliska ee deegaanka Fino, waxayna tilmaameen in wixii xiligaas ka dambeeyay uu xumaaday Xariirka Isgaarsiinta.

Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay iska caabiyeen weerarkii kaga yimid Al-shabaab, waxayna sheegeen in khasaaro ay gaarsiiyeen dagaalyaashii weerarka ahaa, inkastoo aysan cadeynin inta uu la egyahay khasaaraha ay gaarsiinyeen.

Al-shabaab ayaa dhankooda ka hadlin in weerarkii xalay ka dhacay deegaanka  Fino ee hoostaga Magaalada Mandheera.

Gobolka waqoy Bari Kenya ayaa maalmihii dambe waxaa ka socday qorshe lagu adkeynaayo amaanka Gobolkaasi, kadib markii laga howlgiliyay ciidamo deegaanka ah oo loo qorsheeyay inay sugaan amaanka Gobolka Waqoy Bari Kenya.