Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa subaxii hore ee saaka weerar ku qaaday deegaanka Baxdo oo hoos taga degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in raggaan weerarka soo qaaday ka soo galeen dhinaca Bari, markii ay soo galeen gudahana ay dagaal xooggan la galeen Maleeshiyaad deegaanka ah.
Dagaalka oo saacado socday ayaa waxaa laga soo warinaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.
Ciidamo gurmad ah oo ka kala yimid magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa gaaray deegaan, iyadoo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay isaga baxeen halkaasi.
Waxaa deggan xaalada deegaanka Baxdo, iyadoo xaalada ay si caadi ah ku soo noqatay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka.