Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Al Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Far-libaax ee Gobalka Hiiraan.

Far-libaax-KNN-Ugu yaraan labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa ku dhintay tiro kalane waa ay ku dhaawacmeen kadib Markii Al-shabaab ay weerar dhaba gal ay ku qaadeen Gaadiid ay la socdeen oo marayay deegaanka Far-libaax ee gobalka Hiiraan.

Is rasaaseyn socotay waqti koobadan ayaa halkaasi ka dhacay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhintay 2 ka mid ah Ciidanka  Dowladda, warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay jirto dhimasho kale oo la gaarsiiyay dhinaca kale ee weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in ay iska caabiyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday, Far-libaax ayaa dhawaan Cali Cosoble Madaxweynaha Hirshabeelle u magacaabay degmo ka mid noqota degmooyinka Gobalka Hiiraan.