Somali News

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhiggyo ay ciidamada Jubbaland iyo Kenya ay ku leeyihiin deegaanno ka tirsan magaalooyinka Dhoobley iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay deegaannada Taabto iyo Qooqaani oo dhammaatood ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen inay gebi ahaanba beegsadeen saldhigayada ciidamada kenya iyo Jubbaland ay ku leeyihiin Qooqaani iyo Taabto ,hayeeshee majirto cid madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada Aal-Shabaab.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay saacado kadib weerarkii Al-shabaab ku qaadday Degaanka Baar-sanguunni ee Gobolka Jubada Hoose halkaas oo Ciidamada Jubaland ay xarumo ku leeyihiin.