Somali News

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday gobolka Bari.

Wararka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin Buuraha Galgala ee gobolkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa KNN u sheegay in weerarka uu ka dhacay saldhig ay Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku leeyihiin  deegaanka  Balli-Khar ee gobolka Bari.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ciidanka Daraawiishta Puntland ay  iska caabiyaeen weerarkaasi, iyadoona la sheegay inuu dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawaac.

Saraakiil ka tirsan Puntland oo la hadlay Warbaahinta gudaha ee Puntland ayaa sheegay weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab ay kaga dileen Sexdex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, iyagoona sheegay in howlgal ay ka wadaan deegaanka Balli-khadar ee gobolka Bari.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegaya in ka Al-shabaab ay doonayeen in ay weerar gaadmo ah ku qabsadaan saldhiga Balli-Khadar ee gobolka Bari, hayeeshee ay ciidamada iska difaaceen.

Dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish ayaa xiligan ku sugan  buuraha Galgala iyo Cal-Miskaad  ee gobolka Bari, iyadoona inta badan weeraro gaadmo ah ku  qaada saldhigyada Ciidamada Puntland  ay ku leeyihiin gobolkaasi.