Somali News

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Jowhar.

Jowhar-KNN- Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay Waxaa ay weerar ku qaadeen kontorool ay Ciidamada Xoogga ku lahaayeen Duleedka Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa muuqday mid mudo saacado ah ka socday kontorool laga soo gala Gudaha Magaalada Jowhar.

Dadka Deegaanka ayaa KNN u Sheegay in weerarka uu ahaa mid culus, islamarkaana dhinacyada dagaalamay ay isku adeegsanayeen hubka Noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Kontoroolka joogay ayaa ku dhintay halka mid kalana uu ku dhawaacmay.

Barta koontarool ee la weeraray ayaa waxa ay ku taallaa meel aan ka fogeyn madaxtooyada Hirshabeelle oo uu degen yahay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, guriga madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga iyo kuwa Hirshabelle weli kama hadlin dagaalkii xalay ka dhacay kontorool ku yaala Duleedka Magaalada Jowhar.