Uncategorized

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Kolanyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo marayay Balcad.

Balcad-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Kolanyo Gaadiid ah oo marayay Inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaana la sheegaya in uu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in waqti kooban uu halkaasi dagaal ku dhaxmaray Labada dhinac, Ciidanka Dowladda ayaa iska difaacay weerarka ay ku soo qaadeyn dagaalamayaasha Al-Shabaab.

 

Mas’uuliyiinta degmada oo aan la xariirnay ayaa sheegay in uu jiro weerarka balse aysan ogeyn inta uu la egyahay Khasaaraha markii ay ogaadaana ay warbaahinta Faah Faahin ka siin doonaan.