Somali News

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin Sh/Hoose

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sakay weerar ku qaaday deegaanka Ceel-Saliini oo dhaca duleedka degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda  ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini,waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Ilaa shan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalkaas, sidoo kale warar soo baxa ayaa sheegaya in Al-shabaab ay mudo kooban gacanta ku hayen saldhiga oo ay dagaal kula wareegeen.

 Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno deegaankaas waxa ay sheegayaan in hadda ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa xoogga dalka ay sibuuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Ceel-Saliini, waxaana lasoo sheegayaa in halkaas ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan