Somali News

Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig Ciidanka Dowladda ku leeyihiin deegaanka Burijeed

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Burijeed 75 KM u jira magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aan wali la ogeyn inta ay la eg tahay tirada.

Wixii ka soo kordha halkaan kala soco.