Uncategorized

Al-Shabaab oo weeraray saldhig Ciidamada Soomaaliya ay ku leeyihiin D/degmada Balcad.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo saldhig ku leh inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa dhacay Xalay waxaana la sheegay in uu yimid kadib markii ay Al-Shabaab ay weerarayn Saldhiga Ciidamada Soomaaliya oo ku yaala deegaanka Ceelka Geelow oo duleedka kaga yaala Degmada Balcad Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan oo socday daqiiqado badan ayaa waxa uu dhexmaray Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Ciidamadii halkaasi ku sugnaa, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in hal qof ku dhintay 2 qof kalane ay ku dhaawacmayn dagaalkaasi, Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ee Sh/Dhexe ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarkii Al-shabaab ku soo qaadayn.

Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in ay khasaare gaarsiiyeen Ciidamada ay weerarka ku soo qaadayn, Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay halkaasi ku dilayn Ciidamo ka tirsan Kuwa Soomaaliya.