Uncategorized

Al-Shabaab oo weeraray Ciidamo ku sugan deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Rag hubeysan ayaa xalay weerar socday Muddo kooban ku qaaday Fariisimo ay Ciidamada amaanka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarkaan ayaa la sheegay in lagu qaaday Ciidamo ku sugan Nabad Sugidda Soomaaliya oo deegaanka Siinka dheer ku Baara Gaadiidka iyo Dadweynaha, waxaana la sheegay iney ku dhaawacmeen ugu yaraan 4 qof.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Gabar yar iyo Hooyadeed kuwaas oo rasaas Wiifta ah ku haleeshay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay iney weerar ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Dowladda ee deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho khasaarana ay gaarsiiyeen sida ay hadalka u dhigeen, KNN ma heyso xaqiiqda Sheegashada Al-Shabaab.