Afgooye-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay Ciidanka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegaya in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in Al-Shabaab ay habeenkii Labaad ay weerar ku soo qaadeyn qeyba ka mid ah degmada, weerarkii ugu dambeeyay ee xalay ayaa ka dhacay Buundada degmada Afgooye ee Sh/Hoose.
Dagaalka ayaa ku bilaawday Bambooyinka gacanta laga tuuro kadibna waxaa xigay rasaas socotay muddo kooban, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay tiro kalane ay ku dhaawacmeyn.
Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobalka Shabeelaha Hoose C/raxmaan Dheere ayaa beeniyay in weerar lagu soo qaaday Saldhig ciidanka Soomaaliya ee ku leeyihiin Afgooye balse ay madaafiic rideyn Ciidamada AMISOM.