Uncategorized

Al-Shabaab oo Weeraray fadhiisimo Ciidamada Xoogga ku leeyihiin deegaano hoostaga Qoryoolay.

Muqdisho-KNN-Wararka Naga Soo gaaraya Degmada qoryoolay ee gobalkka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Ciidamada xoogga iyo Al-Shabaab uu ka dhacay degamadaasi.

Dagaalka xoogeysa ayaa waxaa laga Maqlayay gudaha degamada qoryoolay ee gobalka Shabeelaha hoose,iyadoona Dagaalka uu socday Mudo Saacado ah.

Labada dhinac ee Dagaalka u dhexeeyay ayaa isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona Sahcabka ku nool degmada Qoryoolay ay Soo wajahday Cabsi Aad u fara badan.

Dadka deegaanka ayaa KNN u Sheegay in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Weerar ku qaadeen Ciidamada xoogga oo saldhig ku lahaa Tuulada Dal-biyaango oo u dhaw deegaanka Danow ee gobalka Shabeelaha hoose.

Dhanka kale Warbaahinta lagu faafiyo wararka shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen bar kontorool oo ku taala tuulada Dal-biyaango,islamarkaana mudo saacado ay ku sugnaayeen Dagaalamayasha Al-Shabaab sida ay Hadalka u dhigeen.

Degmada Qoryoolay ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ay ka mid tahay Meelaha inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Weerarka ka fuliyeen,islamarkaana ay ku qaadaan Ciidamada xoogga ee Dalka,inkastoo Ciidamada ay iska caabiyaan weerar kasta oo kaga yimaada Shabaab.