Uncategorized

Al-shabaab oo Weeraray Saldhigga Degmada Afgooye

Afgooye–KNN– Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Saldhigga Booliska Degmada Afgooye.

Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Saldhigga Booliska Degmada Afgooye ayaa la sheegay inuu ahaa Bam Gacmeed,waxaana ay Saldhigga ku tuureen illaa Labo Bumbo.

Ciidamada Booliska Ee Saldhigga ku sugnaa ayaa Bamka lagu soo tuuray uga Jawaabay Rasaas ay rideen,iyadoo aan weli la ogeyn Khasaaraha ka dhashay Weerarka Bambooyinka ah.

Al-shabaab ayaa Habeen hore Weerar ku qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose,mana jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye iyo kan Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaab sidoo kale weli kama hadlin Weerarka ay Habeenkii labaad ku qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.