Uncategorized

Al-Shabaab oo weeraray Suuqa degmada Mahadaay ee G/Shabeelaha dhexe.

Mahadaay-KNN-Dagaalamyaasha Al-Shabaab ayaa Askari ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ku dilay Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha dhexe kadib weerar ay ku qaadayn degmadaasi.

Weerarka shabaab ayaa ka dhacay Bartmaha Suuqa Ariga lagu iibiyo ee degmada Mahadaay waxaana Xiligaasi ku sugnaa Shacab iyo Ciidan ka tirsan Kuwa Soomaaliya.

Iska hor imaad dhax maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa kadhacay Suuqa Gudahiisa waxaana hakad galay mudo ku dhaw Saacad Ganacsigii suuqa.

Maamulka degmada Mahadaay ayaa KNN u shegay in weerarkaasi uu jiro Islamarkaana uu kaga dhibntay hal Askari Al-Shabaab dhankoodana ay gaarsiiyeen Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.