Somali News

Al-shabaab oo xalay madaafiic ku garaacay Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay madaafiic ku weerareen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafada Howl-wadaag ee magaaladaasi

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacday agagaarka saldhigga, waxaana Ciidamada Jabuuti ay ku jawaabeen madaafiic culus oo laga maqlayay xaafadaha magaalada Beledweyne, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee gobolka Hiiraan Cusmaan Aadan Careys.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda, mana jirto xog intaasi ka dheer oo laga helay.

Ciidamada Jabuuti ayaa saaka baaritaano ka wada deegaanada dhanka koofureed ka xiga Beledweyne oo ahaa dhanka madaafiicda laga soo riday

Al-Shabaab ayaa saldhig ku leh deegaanka Luuq Jeelow oo qiyaastii Beledweyne u jirta illaa 20KM u jirta