Somali News

Al-Shabaab oo xalay madaafiic ku garaacay Dhuusamareeb

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay madaafiic ku garaacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, xili halkaasi ay ku sugan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa Dowlad Goboleedyada oo shalay gaaray magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Ilaa iyo 10 hoobiye lagu garaacay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo muddo 30 daqiiqo ah dhawaqooda la maqlayay magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaafiic ay ka dhasheen khasaaro soo gaaray dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Dhuumsareeb.

Inta la ogyahay Afar qof oo mid kamid ah uu yahay Askari ka tirsan Booliska Soomaaliya uu ku dhaawacmay weerarka.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadaan duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa maanta aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusamareeb, iyadoona dadka iyo gaadiidka loo diidayo in ay isticmaalaan wadooyinka magaaladaasi.

Wadooyinka magaalada ayaa lagu arkayaa ciidamo aad u fara badan, kuwaasi sugayo amniga, maadaama halkaasi ay ku sugan yihiin madaxda qaranka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Magaalada Dhuusamareeb ee xalay madaafiicda lagu garaacay ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shir xal looga gaarayo ismari waagga ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa iyaguna maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb.