Somali News

Al-Shabaab oo xalay markale hoobiyaal ku garaacay Dhuusamareeb

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay mar kale weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday magaalada Dhuusamareeb oo shirka wadatashiga ah ee madaxda dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ka socdo.

10-Dagaalame oo watay gaari nooca ay Soomaalidu u taqaano Qooqan ayaa soo istaagay meel qiyaastii 1-KM u jirta magaalada, waxayna ku bilaabeen hoobiye.

Illaa laba hoobiye markii ay rideen ayaa waxaa jiha kasta uga bilaabatay rasaas, waxaana halkaas lagu dilay 8 ka mid ah, halka labadii soo hartay midna nolosha lagu qabtay, midna la dhaawacay, sida ay ii xaqiijiyeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka.

Waxaa xusid mudan in laba habeen ka hor ay isla goobtaas ka soo rideen dhowr hoobiye, iyadoo habeenkaas laga dilay hoggaamiyahoodii mid kalena dhaawac looga qabtay.